Boqolaal qof American ah oo markale Carona ugu dhintay dalka Mareykanka.

Tuesday May 26, 2020 - 12:25:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal qof American ah oo markale Carona ugu dhintay dalka Mareykanka.

    Caabuqa Covid19 ayaa wali dad badan ku laynaya gobollada kala duwan ee dalka Mareykanka oo ah dalka koowaad ee ugu dhimashada badan caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa Covid19 ayaa wali dad badan ku laynaya gobollada kala duwan ee dalka Mareykanka oo ah dalka koowaad ee ugu dhimashada badan caalamka.


Tiradii ugu yareed ayaa shalay Carona ugu dhimatay dalka Mareykanka tan iyo bishii Maarso ee lasoo dhaafay sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka, ilo wareedyo ayaa sheegaya in shalay ay Carona udhinteen dad gaaraya 532 oo ruux.

Guddiga caafimaadka Mareykanka qaabilsan latacaalidda Covid19 ayaa sheegaya in hoos udhac ballaaran uu ku yimid dadka uu cudurkani dilayo iyo kuwa uu soo ridanayo, talaal ay soo saartay dowladda Mareykanka ayay tijaabadiisu ka bilaabatay wadanka oo idil.


Dadka Carona ugu dhintay dalka Mareykanka ayaa gaaray 99,462 qof oo ruux waxaana lafilayaa in saacadaha soo socda ay dhimashadu isku xirto 100 kun oo ruux, Trump ayaa horay u saadaaliyay in dadka Carona uu dalkiisa ku dilayo ay udhaxeeyaan 100 kun illaa 240 kun oo ruux.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items