Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay dagaal ka dhax qarxa dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Tuesday May 26, 2020 - 15:31:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay dagaal ka dhax qarxa dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

    Waxa loogu yeero beesha caalamka oo dusha sare ka maamula gummeysiga lageliyay dalka Soomaaliya ayaa markale digniin kasoo saaray in dib loogu dhigo doorashooyinka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha caalamka oo dusha sare ka maamula gummeysiga lageliyay dalka Soomaaliya ayaa markale digniin kasoo saaray in dib loogu dhigo doorashooyinka dowladda Federaalka.


Midowga Yurub oo kamid ah dhinacyada sida aadka ah utaageera AMISOM iyo dowladda Federaalka ayaa uga digay Farmaajo iyo Kheyre in ay dib udhigaan doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa Baarlamaaniga ah.

Nicolas Berlanga oo ah wakiilka Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegaya in haddii uu dib udhac ku yimaad doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya uu dagaal sokeeye ka dhax qarxi doono siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda DF-ka ee hadda xilka haya.


Farmaajo iyo Kheyre ayuu ugu baaqay in aysan marnaba dib udhigin doorashooyinka, wuxuu soo hadal qaaday haddallada kulul ee bilihii lasoo dhaafay kasoo baxayay siyaasiyiin hubaysan oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Q.Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa horay usoo saaray digniino ku aaddan colaad ka dhalata waqti kororsi ay sameeyaan madaxda hadda haya hoggaanka DF-ka kuwaas oo wajahaya mucaaradad xasaasiyad siyaasadeed leh.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items