Qarax 10 askari lagu dilay oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe.

Tuesday May 26, 2020 - 20:05:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Qarax 10 askari lagu dilay oo ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe.

    Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka degmada Balcad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax gaari looga gubay ciidamada dowladda
Warar faah faahsan ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaan dhaca duleedka degmada Balcad.


Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 10 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari Cabdi Bile ah uu hertiyay miino lagu aasay wadada hareeraheeda waxaana dhintay dhammaan ciidamadii gaariga la socday, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen gaari tiknika ah oo ku gubanaya wadada laamiga ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada qaraxa lagu dilay ay ka amba baxeen magaalada Jowhar waxayna kusii jeedeen dhanka magaalada Muqdisho, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items