Shil ay ku dhinteen 10 qof oo ka dhacay degmada Howlwadaag.

Wednesday May 27, 2020 - 09:34:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Shil ay ku dhinteen 10 qof oo ka dhacay degmada Howlwadaag.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay shil gaari oo markale ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay shil gaari oo markale ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Gaari xamuul ah ayaa xalay fiidkii ku faniin goostay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Muqdisho waxaana shilkaas ka dhashay khasaara xooggan oo gaaray dad shacab ah.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah gaari nuuciisu yahay N3 ayaa faniin goostay wuxuuna gudaha ugalay goob shidaalka lagu iibiyo, ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shilka halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Goobta uu shilku ka dhacay waxaa laga aruuriyay meydadka dadka dhintay iyo dhaawacyada oo qaarkood xaaladooda caafimaad ay aad uliidato, gaadiidka xamuulka ah ee N3 loo yaqaan ayaa ah kuwa gaboobay badanaana waxay sababaan shilal dhibaata badan geysta.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]om

Related Items