Warar sheegaya in dad caqaba cudurka Carona ay ku dhinteen isbitaalka degmada Cadaado.

Wednesday May 27, 2020 - 20:16:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar sheegaya in dad caqaba cudurka Carona ay ku dhinteen isbitaalka degmada Cadaado.

    Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in cudurka Covid19 uu si xowlli ah ugusii faafayo gudaha magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in cudurka Covid19 uu si xowlli ah ugusii faafayo gudaha magaaladaasi.


Agaasimaha isbitaalka guud ee Cadaado ayaa sheegaya in laba qof ay isbitaalka ku dhinteen kuwaas oo looga shakisanyahay in ay qabaan Carona Virus.
Gaadiid cod baahiyaal lagu rakibay ayaa magaalada Cadaado dhax wareegaya waxaana shacabka loogu baaqayaa in ay guryahooda ku nagaadaan si ay uga badbaadaan Covid19.

Dhinaca kale dowladda Federaalka ayaa sheegtay in kiisas cusub oo Carona Virus ah ladiiwaan geliyay saacadihii lasoo dhaafay, Dr Fuje ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ladiiwaan geliyay bukaanno gaaraya 13 xaaladood oo Covid19 ah taas oo wadarta guud ee dadka uu cudurkan Soomaaliya kusoo ritay ka dhigaysa 1,731 xaaladood.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items