Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax sarkaal lagu dilay oo ka dhacay Xamarweyne.

Thursday May 28, 2020 - 10:56:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 109 4
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda qarax sarkaal lagu dilay oo ka dhacay Xamarweyne.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta barqadii ka dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta barqadii ka dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.


Qaraxa oo ka dhax kacay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay sarkaal katirsan ciidamada Booliska dowladda ayaa dhaliyay khasaare dhimasho ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in jugta qarax aad u xooggan laga maqlay dhabarka dambe ee Hotelka Muna ee degmada Xamarweyne oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay sarkaal sare oo booliska DF katirsan kaas oo magaciisa lagusoo gaabiyay Jaabir.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusii badanayay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items