Dhimashada Carona uu ka geystay dalka Mareykanka oo gaartay 100,000 oo ruux.

Thursday May 28, 2020 - 14:42:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimashada Carona uu ka geystay dalka Mareykanka oo gaartay 100,000 oo ruux.

    Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in cudurka Carona Virus uu geystay khasaarihii ugu xooganaa tan iyo markii uu cudurkaas kasoo bilaawday dalka Shiinaha dhammaadkii sanaddii 2019.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in cudurka Carona Virus uu geystay khasaarihii ugu xooganaa tan iyo markii uu cudurkaas kasoo bilaawday dalka Shiinaha dhammaadkii sanaddii 2019.


Webiste-ka World Meter ee laga leeyahay Mareykanka ayaa sheegay in dadka Carona udhintay ay gaareen 100 Kun qof American ah.

Gobollada Washington iyo New York ayaa ah meelaha ugu dhimashada badan dalka Mareykanka, dhinaca kale dalka Baraaziil waxaa Carona ugu dhintay dad gaaraya 25 kun oo ruux.

Qaaradda America waa meesha ugu daran ee caabuqa Covid19 uu ka geystay halaagga ugu daran caalamka, illaa iyo hadda majiro dal soo saaray daawo lagu dabar jari karo cudurkan dilaaga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items