Weerar 10 qof ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen oo ka dhacay Sacuudiga.

Thursday May 28, 2020 - 15:06:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 10 qof ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen oo ka dhacay Sacuudiga.

    Ku dhowaad 10 qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar hubaysan oo kadhacay gudaha dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhowaad 10 qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar hubaysan oo kadhacay gudaha dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan.



Afhayeen uhadlay booliska xukuumadda Aala Sacuud ayaa sheegay in ugu yaraan 6 qof ay dhinteen sedax kalane dhaawacyo soo gaareen kadib markii toogasho ay ka dhacday mandiqadda Casiir, Korneel Zeyd Max'med aldabaash ayaa sheegay in dadka dhintay dhammaantood ay rag yihiin.

wakaaladda wararka ufaafisa Aala sacuud oo soo xiganaysa saraakiil amni ayaa sheegtay in toogashadu ay ka dhacday muxaafadad alfawah ee taabacsan mandiqadda Casiir.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaallo muujinaya toogasho si aan kala sooc laheyn loogu geysanayo dad rayid ah iyo meydadka dadka dhintay oo goobta daadsan.

inkastoo dowladda Aala Sacuud ay aad uga gaabsanayso ka hadalka arrintan ayay hadane ilo wareedyo sheegayaan in dhacdadan ay salka ku hayso murun dhanka dhulka ah.


Laba qoys oo daris ah ayaa la sheegayaa in ay dagaallameen balse saraakiil mucaarad dibad joog ah ayaa falkan la xiriirinaya arrima siyaasadeed iyagoo xukuumadda ku eedeeyay in ay qarinayso xaqiiqda dhabta ah ee ku aaddan sida ay wax udhaceen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items