Xoogag Jihaadi ah oo dilal ka geystay Suuq Bacaad iyo deegaanka Garasbaaleey.

Thursday May 28, 2020 - 20:16:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 37 2
  • Share via Social Media

    Xoogag Jihaadi ah oo dilal ka geystay Suuq Bacaad iyo deegaanka Garasbaaleey.

    Kooxo hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta markale gudaha magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta markale gudaha magaalada Muqdisho ku dilay mid kamida odayaashii dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.


Maanta duhurkii ayay rag hubaysan gudaha xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku dileen Ugaas Maxamed Daa’uud iyo askari ilaala u ahaa, goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubaysan ugaaska iyo askarigii ilaalada u ahaa ku dileen goob laga shaaho kadibna ay goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen.

Dhinaca kale weerar hubaysan oo galabta ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee galbeedka Muqdisho ayaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Booliska dowladda.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay dileen Mukhtaar Nuur Ibraahim oo ahaa taliyaha ciidamada Booliska deegaanka Garbahaareey.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyaddan weeraradii ka dhacay deegaannada Suuq Bacaad iyo Garasbaaleey ee gobolka Banaadir sida ay baahisay idaacadda Andalus ee afka xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items