Daawo Video: Ciidamada dowladda oo dhalinyaro ku xasuuqay deegaanka Gololeey.

Friday May 29, 2020 - 11:06:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Ciidamada dowladda oo dhalinyaro ku xasuuqay deegaanka Gololeey.

    Maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xasuuq arxan darra ah ka geystay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xasuuq arxan darra ah ka geystay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe.


Meydadka illaa 8 qof dhalinyara ah ayaa shalay lasoo dhigay deegaanka Gololeey ee dhaca duleedka degmada Balcad Sh/dhexe.

Dhalinyaradan la xasuuqay ayaa ka shaqeynayay xarun caafimaad oo Gololeey ay ka hirgelisay hay'adda Kheyriga ah ee lagu magacaabo Zamzam Foundation.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in maalin ka hor ciidamo katirsan dowladda oo wata gaadiidka Tiknikada ah xoog ku galeen MCH-ka Gololeey ayna ka qafaasheen dhalinyaradan kadibna Meydadkooda ay shalay soo dhigeen deegaanka.


Ehellada dadkii la xasuuqay oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si bareer ah falkaan ugeysteen iyagoo ka caraysnaa qarax miino oo maalin ka hor ka dhaca duleedka Balcad.

Waxgaradka iyo qeybaha bulshada deegaanka Gololeey ayaa falkan foosha xun si kulul ucambaareeyay waxayna ugu baaqeen madaxda dowladda Federaalka in ay usoo gacan geliso kuwi xasuuqa ugeystay wiilashooda.

Halkan ka daawo Eehellada dadka la xasuuqay oo warbaahinta lahadlay


Related Items