Maleeshiyaad Shiico ah oo qoday Qabriga Khaliifkii Muslimiinta Cumar Bin C/Caziiz.

Saturday May 30, 2020 - 08:04:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad Shiico ah oo qoday Qabriga Khaliifkii Muslimiinta Cumar Bin C/Caziiz.

    Maleeshiyaad shiico ah oo taabacsan dowladda Iiraan ayaa wadanka Suuriya ka wada xadgudubyo ka dhan ah qabuuraha muslimiinta ee mandiqadda Shaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad shiico ah oo taabacsan dowladda Iiraan ayaa wadanka Suuriya ka wada xadgudubyo ka dhan ah qabuuraha muslimiinta ee mandiqadda Shaam.


Wararka ka imaanaya gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya ayaa sheegaya in maleeshiyaad Shiico ah ay faageen qabriga Al Khaliifa Cumar Bin C/Caziiz Alle haka raalli noqdee.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaal muujinayay maleeshiyaadka Shiicada oo qodaya qabriga Cumar Bin C/Caziiz islamarkaana ku dhawaaqaya erayo ay ugu gefayaan asaxaabta nabiga SCW.




Wariyaal ayaa soo sheegay in maleeshiyaad aad uhubaysan ay gudaha ugaleen tuulada Dery Sharqi oo ku dhow magaalada Macarratu Nucmaan kadibna ay burburin iyo qodid ku sameeyeen illaa sedax qabri oo ay ku kala aasnaayeen Khaliifkii shanaad ee Khulafaa'u raashidiin Cumar Bin C/Caziiz iyo Xaaskiisa Faadima Bintu Cabdi Malik, sidoo kale maleeshiyaadka Shiicada ayaa qoday bariga Abuu Zakariya Bin Yaxya Al Mansuur oo ahaa khaadimkii Al Khaliifa Cumar Bin C/Caziiz.

Shacabka muslimiinta Suuriya ayaa aad uga carooday falkan xadgudubka ah ee maleeshiyaadka Raafidada ah ay ku sameeyeen qabuuraha hoggaamiyaasha muslimiinta, horay sidaan oo kale ayay maleeshiyaadku ufaageen xabaalo kuyaal gobollada Xalab iyo Ximis ee isla dalka Suuriya.

Cumar Bin C/Caziiz ayaa ahaa khaliif caadil zaahid ah oo labadii sano ee uu xukunka hayay muslimiinta ku dhaqay cadaalad heer caddaalladiisu ay gaartay in dugaagta iyo xooluhu si nabad ah ku daaqaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items