Ciidamada Itoobiya oo qaraxyo iyo weeraro lagula beegsaday duleedka Qansaxdheere.

Saturday May 30, 2020 - 10:33:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo qaraxyo iyo weeraro lagula beegsaday duleedka Qansaxdheere.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in markale weerar culus lala beegsaday ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas dhaq dhaqaaqyo ka waday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in markale weerar culus lala beegsaday ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas dhaq dhaqaaqyo ka waday.


Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa shalay weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo ku weeraray kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socdaalaya wadada xiriirisa degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay lakulmeen illaa 4 qarax oo lala eeganayay gaadiidka Uuraallada loo yaqaan.

Qaraxyada waxaa barbar socday weeraro fool ka fool ah oo uga imaanayay dagaalyahannada Al Shabaab, dad xoola dhaqata ah oo ku sugan gobolka Baay ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.


Ciidamada Itoobiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay kasoo dhaqaaqay magaalada Baydhabo illaa iyo hadane iyagoo aan gaarin halkii ay ku socdeen ayay lakulmayaan weeraro aan kala joogsi laheyn oo khasaara badan lagu gaarsiiyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items