Mareykanka oo jaray xiriirkii kala dhaxeeyay hay'adda WHO.

Saturday May 30, 2020 - 10:08:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo jaray xiriirkii kala dhaxeeyay hay'adda WHO.

    Dowladda Mareykanka ayaa soo gaba gabaysay wadashaqeyntii kala dhaxaysay hay'adda caafimaadka Q.Midoobay uqaabilsan ee loo yaqaan WHO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa soo gaba gabaysay wadashaqeyntii kala dhaxaysay hay'adda caafimaadka Q.Midoobay uqaabilsan ee loo yaqaan WHO.


Donald Trump ayaa iclaamiyay in uu xiriirka ujaray WHO islamarkaana uu joojiyay dhammaan wixii qarashaad ahaa ee dowladdiisu ay ku bixinaysay hay'addaasi.

Trump ayaa hay'adda caafimaadka uqaabilsan UN-ka ku eedeeyay in ay ka shaqeynayso masaalixdka dowladda Shiinaha ayna diiday in ay caalamka ucaddeyso in caabuqa Carona uu mas'uul ka yahay Shiinaha.

"Shiinaha ayaa maamula hay'adda WHO oo ku fashilantay in ay caddeyso cidda mas'uulka ka ah caabuqa Carona" ayuu yiri Trump.


Dowladda Mareykanka waxay caddaysay in dhaqaalihii ay siin jirtay WHO ay uwareejin doonto Ururo kale oo arrimaha gargaarka ka shaqeeya sida ay hadalka udhigtay, Mareykanka ayaa sanaddii 2019 hay'adda caafimaadka Q.Midoobay ku bixiyay lacag dhan 400 oo malyan oo dollar wuxuuna ahaa dalka bixiya lacagta ugu badan ee hay'adani ku shaqeyso.

Xifaaltan dhanka dhaqaalaha ah oo aad udaran ayaa Mareykanka kala dhaxeeya Shiinaha waxaana jira dagaal qaboow oo labadan dowladood ay isku iclaamiyeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items