Video: Shacabka degmada Balcad oo dhigay dibad baxyo ka dhan ah DF.

Saturday May 30, 2020 - 10:17:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Shacabka degmada Balcad oo dhigay dibad baxyo ka dhan ah DF.

    Magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe waxaa ka socda dibad baxyo ballaaran oo loogasoo horjeedo xasuuqii ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka ugeysteen dhaqaatiir iyo howlwadeenno caafimaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe waxaa ka socda dibad baxyo ballaaran oo loogasoo horjeedo xasuuqii ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka ugeysteen dhaqaatiir iyo howlwadeenno caafimaad.


Dadka iskusoo baxyada dhigaya ayaa aad uga caraysan falkii lagu xasuuqay howladeennada caafimaadka deegaanka Gololeey halkaas oo lagu dilay 8 kamid ah shaqaalaha xarunta caafimaadka hay'adda Zamzam Foundation.

Waxgaradka iyo dhalinyarada degmada Balcad ayaa ku goodiyay in haddii gacan ku dhiiglayaashii xasuuqa geystay aan loosoo gacan gelin ay dagaal lageli doonaan dhammaan askarta iyo saraakiisha dowladda ee ku sugan Sh/dhexe.


Meydadka howlwadeennada caafimaad ee lalaayay ayaa maalintii khamiista lasoo dhigay deegaanka Gololeey oo qiyaastii 8 KM ujira degmada Balcad ee Sh/dhexe, dadka deegaanka waxay sheegeen in xasuuqan ay geysteen ciidamo katirsan Dowladda kuwaas oo wajiyada soo xirtay.


Related Items