Kheyre oo sheegay in aan dib loo dhigi doonin doorashooyinka hoggaanka DF-ka.

Saturday May 30, 2020 - 10:31:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kheyre oo sheegay in aan dib loo dhigi doonin doorashooyinka hoggaanka DF-ka.

    Markii ugu horraysay dowladda Federaalka ayaa ka hadashay eedaymaha loo jeedinayo ee ah in ay waqti kororsi damacsantahay islamarkaana dib loo dhigayo doorashooyinka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay dowladda Federaalka ayaa ka hadashay eedaymaha loo jeedinayo ee ah in ay waqti kororsi damacsantahay islamarkaana dib loo dhigayo doorashooyinka.


Xasan Cali Kheyre oo ah R/wasaaraha dowladda Farmaajo ayaa sheegay in ay qaban qaabinayaan doorashooyin baarlamaan iyo kuwa madaxtinimo, isagoo hadlayay ayuu carabaabay in marnaba aan doorashada dib loo dhigi doonin.

"Afartii sano waa in mar doorasho la galo, doorasho dadka intooda badan isla oggol yihiin stake holders badankood ama kuligood qeyb ka yihiinā€¯ ayuu yiri Kheyre.


Hadalka kasoo yeeray dowladda Federaalka ayaa umuuqda in uu jawaab u yahay digniino kasoo baxayay waxa loogu yeero beesha caalamka iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku aadanaa in doorashada dib loo dhigo marka lagaaro sanadda 2021.

Warar horay usoo baxay waxay sheegayeen in Farmaajo iyo Kheyre ay isku diyaarinayaan waqti kororsi iyagoo marmarsiimo ka dhiganaya caabuqa safmareenka ah ee Covid19 iyo dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items