Sedax Askari oo lagu dilay Sh/hoose hubkii ay wateena laga qaatay.

Saturday May 30, 2020 - 20:39:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Askari oo lagu dilay Sh/hoose hubkii ay wateena laga qaatay.

    Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa markale weerar qorshaysan oo khasaara dhaliyay ka fuliyay deegaan katirsan gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa markale weerar qorshaysan oo khasaara dhaliyay ka fuliyay deegaan katirsan gobolka Sh/hoose.


Wararka ka imaanaya duleedka degmada Janaale ayaa sheegaya in weerar gaadma ah oo ay fuliyeen xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ay ku dileen sedax askari oo katirsanaa ciidamada DF-ka ee lagu tababaray saldhigga melleteriga Turkiga.

Al Shabaab ayaa askarta toogtay kadibna ka qaatay hubkii ay wateen "Mujaahidiinta ayaa weerar qorshaysan oo ay ka fuliyeen duleedka degmada Janaale waxay ku dileen sedax murtad hubkii ay wateena waa kasoo qaniimeysteen" ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus.


Duleedyada deegaannada Janaale iyo Awdheegle waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay weeraro dhiig badan looga daadiyay maleeshiyaadka dowladda Federaalka iyo shisheeyaha AMISOM ee deegaanadaasi duullaanada ku qaaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items