Muuse Suudi Yalaxoow "waxaa jira madax duug duugaysa kuwii shacabka ku xasuuqay Gololeey".

Saturday May 30, 2020 - 20:32:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Suudi Yalaxoow "waxaa jira madax duug duugaysa kuwii shacabka ku xasuuqay Gololeey".

    Siyaasiyiin iyo waxgarad soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay xasuuqii ay maleeshiyaadka dowladda maalmo ka hor ka geysteen deegaanka Gololeey Daa'uud ee duleedka degmada Balcad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiin iyo waxgarad soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay xasuuqii ay maleeshiyaadka dowladda maalmo ka hor ka geysteen deegaanka Gololeey Daa'uud ee duleedka degmada Balcad.


Sanatar Muuse Suudi Yalaxoow oo kamid ah xildhibaannada aqalka Sare oo ka hadlay xasuuqii dhacay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa dhaliilay qaabka ay madaxda dowladda uga jawaabeen dhacdadaasi xanuunka badan.

Muuse Suudi wuxuu ku eedeeyay maamulka degmada Balcad iyo saraakiisha ciidamada in ay ka gaabsanayaan in ay caddeeyaan cidda mas'uulka ka aheyd wixii dhacay isagoo soo jeediyay in dhacdadan si dhow loo baaro.

"Arrintan dad dowladda u shaqeeya oo in shaqada laga baxsho ka cabsanaaya baariteeda laga sugi maayo, waxaan kaloo laga sugeynin dad isku buqdan oo waxba kala ogeyn.. arrintan caalamka ayaa laga sugayaa, wax lagu kalsoon yahay oo dalkan ka jiro ma jiraan" sidaas waxaa yiri Muuse Yalaxoow.


Dhinaca kale maamulka Hirshabelle ayaa isna sheegay in uu guddi usaaray dhacdadii Gololeey balse waxaa walac laga muujinayaa in Hirshabelle ay qadiyaddan duug duugto sidii horay looga bartay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items