Rabashadihii ka bilaawday Minneapolis oo ku fiday 30 katirsan magaalooyinka Mareykanka.

Sunday May 31, 2020 - 11:40:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rabashadihii ka bilaawday Minneapolis oo ku fiday 30 katirsan magaalooyinka Mareykanka.

    Wadanka Mareykanka waxaa sare usii kacaya kacdoonnada rabshadaha wata oo ay dhigayaan dadka caddaanka ah ee laga tirada badanyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Mareykanka waxaa sare usii kacaya kacdoonnada rabshadaha wata oo ay dhigayaan dadka caddaanka ah ee laga tirada badanyahay.


Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegaya in rabshado khasaara lixaad leh dhaliyay ay ka socdaan illaa 30 magaalo, saraakiisha booliska waxay sheegeen in dibad baxyadu ay gaareen magaalada Losanjalis.


Dad caraysan ayaa illaa 20 gaari oo ay wateen ciidamada booliska ku guban waddooyinka waaweyn ee magaalada Losanjalis,magaalada Minneapolis oo ah meesha ugu daran ee ay rabshaduhu ka dhacayaan waxaa lagubay goobo ganacsi oo ay kamid yihiin suuqyo iyo bankiyo.


Dadka rabshadaha dhigaya ayaa ka caraysan dilkii isbuucii lasoo dhaafay uu askari American ah ugeystay nin madoow ah oo lagu magacaabi jiray Goerge Floyd kaasi oo si cunsuriyad leh loo dilay.

Donald Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa rabshadaha socda ku eedeeyay kooxo is abaabulay oo doonaya in ay khal khal geliyaan ammaanka wadanka Mareykanka wuxuu ku hanjabay in uu uyeeran doono ciidamo dheeraad ah si ay xaaladda uxakameeyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items