Askar iyo shaqaale dowladeed oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Sunday May 31, 2020 - 11:52:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar iyo shaqaale dowladeed oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaana dilalkaas lagu fuliyay askar iyo saraakiil dowladda katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore dil ka dhacay Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaana dilalkaas lagu fuliyay askar iyo saraakiil dowladda katirsan.


Degmooyinka dariska ah ee Dharkenley iyo Wadajir waxaa ka dhacay howlgallo kala duwan oo lagu dilay xubno ka tirsan Dowladda u shaqeynayay.

Degmada Wadajir ayay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ku dileen xubin ka tirsan howlwadeenada aqalka sare ee dowladda kaasi oo lagu magacaabi jiray Muxamed Mahdi , ilo wareedyo ayaa sheegaya in sarkaalka ladilay uu sidoo kale lasoo shaqeeyay dhowr wasaaradood,

Dhinaca kale degmada Dharkenleey ayaa lagu dilay illaa Labo askari oo ka tirsan maamulka Farmaajo, Mid ka mid ah Labada askari ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Cumar kaasi oo sigaar ah uga tirsanaa maleeshiyaadka Turkigu tababaray ee isku magacaabar Harmacad.


Waa dilalkii ugu badnaa oo 12 saac gudahood magaalada Muqdisho loogu geysto askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka tan iyo markii ay dhammaatay bisha barakaysan ee Ramadaan kolkaas oo ay caasimadda ka dhaceen dilal xiriir ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items