Dad shacab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi.

Sunday May 31, 2020 - 16:19:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Dad shacab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi.

    Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax dad badan oo shacab ah ku dhinteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax dad badan oo shacab ah ku dhinteen.


Qarax miino ayaa la sheegay in uu haleelay gaari dad shacab ah la socdeen xilli uu marayay deegaanka Xaawa Cabdi ee gobolka Sh/hoose.

Warar laga helay deegaanka ayaa sheegay in 10 qof shacab ah ay ku dhinteen qaraxa oo haleelay gaari Hoomeey ah kaas oo khudaar kasoo daabulay dhanka degmada Afgooye.

Sawirro lagasoo qaaday goobta qaraxu ka dhacay ayaa muujinayay burbur xooggan oo gaaray gaariga qaraxu haleelay, qaraxyo miino oo ka laga dhaxlay dagaalladii dalka soo maray ayaa dhowr jeer sidaan oo kale khasaare ugeystay dad shacab ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items