Askari katirsan ciidamada dowladda oo wiil dhalinyara ah ku dilay isgoyska Siinaay.

Monday June 01, 2020 - 10:45:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Askari katirsan ciidamada dowladda oo wiil dhalinyara ah ku dilay isgoyska Siinaay.

    Ciidamada dowladda Federaalka ayaa wali xaafadaha magaalada Muqdisho ka geysanaya dilal ay ku beegsanayaan wiilashada dhalinyarada ah ee aan waxba galabsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawirka wiilka dhalinyarada ah ee lagu dilay isgoyska Siinaay
Ciidamada dowladda Federaalka ayaa wali xaafadaha magaalada Muqdisho ka geysanaya dilal ay ku beegsanayaan wiilashada dhalinyarada ah ee aan waxba galabsan.


Wararka ka imaanaya isgoyska Siinaay ee degmada Boondheere ayaa sheegaya in saaka aroortii uu askari katirsan ciidamada booliska halkaas ku dilay wiil dhalinyara ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askari hubaysan uu si bareer ah udilay Maxamed Abuukar Tuuryare oo xilligaas qof ehelkiis ah gaari ka saarayay bosteeda baabuurta isgoyska Siinaay.

Askariga dilka ugeystay wiilka dhalinyarada ah ayaa goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqay, inta badan ciidamada dowladda ayaa shacabka ay toogashada ku dilaan marmarsiimo uga dhigta in ay ka shakiyeen!


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items