Xukun gacan goyn ah oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.

Monday June 01, 2020 - 12:37:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Xukun gacan goyn ah oo ka dhacay deegaan katirsan Sh/hoose.

    Fagaare kuyaal deegaanka Doon Buraale ee duleedka degmada Qoryooleey waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xad kamida xuduudda Alle kaasi oo lagu fuliyay nin xadgudub geystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fagaare kuyaal deegaanka Doon Buraale ee duleedka degmada Qoryooleey waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xad kamida xuduudda Alle kaasi oo lagu fuliyay nin xadgudub geystay.


Maxkamadda Islaamiga wilaayada Sh/hoose ayaa xukun gacan goyn ah ku ridday nin fal tuuganimo ah ku dhaqaaqay.

Cismaan Manuureey Muxamed oo kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Doon buraale ayaa goob fagaare ah looga gooyay gacanta midig.

Qaadiga maxkamadda ayaa fagaarihii uu xukunku ka dhacayay ka sheegay in Cismaan uu jabsaday dukaan ganacsi uuna ka qaatay lacag ka badan lix malyan oo Shilin Soomaali ah.


Maamullada Islaamiga ah ee ka jira gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa tadbiiqiya shareecada islaamka waxayna dadku ku heleen ammaan iyo kala dambayn.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items