Video: Trump oo ku goodiyay in uu awood u adeegsan doono Dibad baxayaasha iyo Carona oo American hor leh laayay.

Tuesday June 02, 2020 - 12:34:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Video: Trump oo ku goodiyay in uu awood u adeegsan doono Dibad baxayaasha iyo Carona oo American hor leh laayay.

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay awood melleteri u adeegsan doonto daminta kacdoonka shacbiga ah ee kusii xoogeysanaya magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay awood melleteri u adeegsan doonto daminta kacdoonka shacbiga ah ee kusii xoogeysanaya magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.


Donald Trump oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Washington ayaa handadaad kulul ujeediyay dadka dibad baxyada dhigaya oo uu ku sifeeyay qaswadayaal qarbudaad ugeysanaya hantida dowladda.

Wuxuu ku hanjabay in uu uyeeran doono ciidamada Mareykanka haddii ay sii socdaan mudaaharaadyada rabshadaha wata "Haddii magaalo ama gobol ay diidaan tallaabooyinka aan ku difaacayno nolosha dadka iyo hantidooda ciidamada ilaalada qaranka Mareykanka ayaan uyeeri doonaa iyagaa dhibaatada si dhaqsi ah usoo afjari doonee" sidaas waxaa ku goodiyay Trump.


in kabadan 40 magaalo oo ay kamid yihiin New York iyo Washington ayay isku dhacyo xooggan ka socdaan, ciidamada booliska iyo dadka dibad baxyada dhigaya ayaa gacmaha iskula tagaya.

Kumanaan dad  madoow American ah ayaa xoog ku galay warshado soo saara gaadiidka qaaliga ah iyagoona halkaas ku gubay tobanaan gaari oo ah nuuca aan xabaddu karin.

Dhinaca kale cudurka Carona Virus ayaa wali gummaad kasii wadanka Mareykanka, warbixinno caafimaad ayaa sheegaya in shalay oo kaliya ay dhinteen dad gaaraya kun qof, dhimashada guud waxay gaartay 107 kun oo ruux.

Hoos ka daawo qaar kamid ah muuqaallada lagasoo duubay rabshadaha ka socda Mareykanka


Related Items