Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo oo isku day dil ka badbaaday.

Wednesday June 03, 2020 - 10:18:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo oo isku day dil ka badbaaday.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo xalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo xabashi ah oo buurdhuubo ku sugan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubaysan oo xalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar culus ku qaaday xarunta degmada Buurdhuubo halkaas oo ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin iyo askar.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka uu si dirqi ah uga badbaaday guddoomiyaha degmada Buurdhuubo ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Shariif, wararka ayaa intaas ku daraya in mas'uulka badbaaday uu ucararay dhanka saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya.

Dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka geystay ayaa markii dambe si nabad gelya ah uga gurtay degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.


Dhinaca kale weeraro xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin degmada Janaale ee Sh/hoose balse lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee weeraradaas ka dhacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items