Dhimashada UK ee caabuqa Carona Virus oo ku dhow 40,000.

Wednesday June 03, 2020 - 10:37:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimashada UK ee caabuqa Carona Virus oo ku dhow 40,000.

    Caabuqa Covid19 ayaa dhimashadii ugu badneed ka geystay wadanka Ingiriiska oo ah wadanka labaad ee caalamka ay dadkiisu ladhibanyihiin Viruskan saf mareenka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa Covid19 ayaa dhimashadii ugu badneed ka geystay wadanka Ingiriiska oo ah wadanka labaad ee caalamka ay dadkiisu ladhibanyihiin Viruskan saf mareenka ah.


Wararka ka imaanaya dalka Britain ayaa sheegaya in ku dhowaad 40 kun oo ruux ay udhinteen Carona Virus halka boqolaal kun oo ruux lajiifiyay isbitaallada waaweyn.

Guddiga caafimaadka UK ayaa warbixin uu shalay soo saaray ku sheegay in dhimashadu ay gaartay 39,369 ruux halka 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay dhinteen dad gaaraya 324 ruux.

Xaalad feejignaan iyo bandaw ah ayuu wali kujiraa dalka Ingiriiska waxaana quus laga muujinayaa in xukuumadda London ay qaaddo bandawga dalka saaran sababa laxiriira caabuqa oo si xowlli ah kusii fidaya.


Dhinaca kale maalintii sedaxaad oo xiriir ah wax dhimasho ah lagamasoo calaamadayn dalka Spain ee qaaradda Yurub taas oo ka dhigan in dalkan uu kasoo kabsanayo musiibadi Carona Virus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items