Ciidamada Al Shabaab oo muddo kooban dagaal kula wareegay degmada Balcad.

Thursday June 04, 2020 - 13:48:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 46 4
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo muddo kooban dagaal kula wareegay degmada Balcad.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar ku qaaday qaaday saldhigyada maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar ku qaaday qaaday saldhigyada maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.


Wararka ka imaanaya duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaallo culus ay saaka aroortii hore ka dhaceen koontaroollada laga galo degmada Balcad halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan dowladda.

Dagaal muddo kooban socday kadib ayay ciidamada Al Shabaab ugu suurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada DF-ka ee dagaalka loogu itaal sheegtay ay ufirxadeen dhanka saldhigga ciidanka Burundi ee kuyaal banaanka degmada Balcad, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka dhacay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items