Ciidamada Alwifaaq oo si buuxda ula wareegay caasimadda Liibiya.

Thursday June 04, 2020 - 12:43:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Alwifaaq oo si buuxda ula wareegay caasimadda Liibiya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in dagaallo culus oo dib uga qarxay galbeedka wadankaas ay sababeen in dhabarka laga jebiyo maleeshiyaadka uu madaxda ka yahay Khaliifa Xaftar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in dagaallo culus oo dib uga qarxay galbeedka wadankaas ay sababeen in dhabarka laga jebiyo maleeshiyaadka uu madaxda ka yahay Khaliifa Xaftar.


Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Alwifaaq ayaa ku dhawaaqay in ay dib ula wareegeen dhammaan gacan ku haynta xaafadaha magaalada Daraabulis kadib markii ay ka adkaadeen maleeshiyaadkii Xaftar.

Xukuumadda aqoonsiga caalamiga ah haysata ee dalka Liibiya ka talisa ayaa warbaahinta usoo bandhigtay xaafado iyo saldhigyo ay lawareegtay waxaana kamid ah garoonka diyaaradaha caalamiga Daraabulis iyo xaafadaha,Ceynu Zaarah iyo Alrabiic.


Wariyaal ayaa soo sheegay in magaalada Daraabulis dhammaanteed ay dib ugusoo laabatay gacanta xoogaga dowladda kadib dagaallo bilo qaatay oo halkaas ka socday, sawirro lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinayay ciidamada xukuumadda alwifaaq oo la wareegaya gaadiid dagaal.

Ciidamadii Xaftar ayaa ufirxaday dhanka degmada Tarhuuna oo qiyaastii 100Km ujirta magaalada caasimadda ah ee Daraabulis, Xaftar oo taageera ka helaya Ruushka,Imaaraatka Carabta iyo Faransiiska ayaa ku guuldarraystay dadaalladii uu ku doonayay qabsashada dalka Liibiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items