Kooxo hubaysan oo siyaab leh askari ugu dilay degmada Howlwadaag.

Friday June 05, 2020 - 09:42:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubaysan oo siyaab leh askari ugu dilay degmada Howlwadaag.

    Weerarada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa wali kasii socda xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerarada ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka ayaa wali kasii socda xaafado katirsan degmooyinka gobolka Banaadir.


Xoogag hubaysan ayaa xalay fiidkii wadada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubaysan ay toogteen askariga xili uu isbaaro udhiganayay gaari BL ah oo dad shacab ah la socdeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogagii dilka geystay ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo boolis ah kuwaas oo qaaday meydka askariga ladilay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items