Dalka Baraaziil oo Talyaaniga uga sare maray dhimashada Cudurka Carona Virus.

Friday June 05, 2020 - 09:55:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Baraaziil oo Talyaaniga uga sare maray dhimashada Cudurka Carona Virus.

    Musiibo hor leh ayaa ku habsatay dalka Baraaziil ee dhaca qaaradda Laatiin America kadib markii uu cudurka Carona Virus uu ka geystay dhimashadii ugu badneed abid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musiibo hor leh ayaa ku habsatay dalka Baraaziil ee dhaca qaaradda Laatiin America kadib markii uu cudurka Carona Virus uu ka geystay dhimashadii ugu badneed abid.


Wararka ka imaanaya Baraaziil ayaa sheegaya in shalay oo kaliya uu cudurka Carona dilay dad ka badan 1470 qof, war rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradad caafimaadka wadankaas ayaa lagu sheegay in dhimashada guud ay gaartay 34 kun oo ruux.

Dalka Baraaziil wuxuu noqday dalka sedaxaad ee ugu dhimashada badan caalami ahaan wuxuuna booskan ka riixday Talyaaniga, sedaxda wadanka ee ugu dhimashada badan Carona ayaa kala ah Mareykanka oo kaalinta Koowaad ku jira, Ingiriiska oo labaad kujira iyo Baraaziil oo sedaxaad ah.


Talyaaniga,Spain iyo Faransiiska ayaa sidoo kale kamid ah wadamada ugu dhimashada badan caalamka marka laga hadlayo caabuqa Covid19.

Nidaamka caafimaad ee dalka Baraaziil oo hooseeya iyo dowladda oo aan qaadin tallaabooyinkii loo baahnaa ee Karaantiilka ayaa larumeysanyahay in ay sabab u tahay faafidda Carona ee wadankaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items