Maleeshiyaadka Khaliifa Xiftar oo lagala wareegay Bin Waliid iyo Tarhuuna.

Saturday June 06, 2020 - 08:05:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Khaliifa Xiftar oo lagala wareegay Bin Waliid iyo Tarhuuna.

    Guuldarrooyin is xigxiga ayaa dhabarka loo saaray maleeshiyaadka uu hoggaanka u hayo dagaal ooge Khaliifa Xiftar oo ka dagaallama wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guuldarrooyin is xigxiga ayaa dhabarka loo saaray maleeshiyaadka uu hoggaanka u hayo dagaal ooge Khaliifa Xiftar oo ka dagaallama wadanka Liibiya.


12 saac gudahood ayay ciidamada xukuumadda Alwifaaq la wareegeen laba magaalo oo dhaca waqooyi galbeed wadankaas ahaana kuwa istiraatiiji ah.
Shalay gelinkii hore ayaa maleeshiyaadka Xaftar dagaal kooban looga saaray magaalada Tarhuuna oo qiyaastii 90Km ujirta magaalada caasimadda ah ee Daraabulis.

Sidoo kale ciidamada Xukuumadda Alwifaaq ayaa qabsaday magaalada garoonka caalamiga ah leh ee Bin Waliid taasi oo 180 Km dhanka dhanka Koonfur galbeed uga beegan Daraabulis.


Sawirro lagu baahiyay baraha internetka ayaa muujinayay ciidamada xukuumadda midnimada qaran loogu magac daray oo ku dahx dabaal degaya Bin Waliid, afhayeen u hadlay melleteriga dowladda Daraabulis maamusha ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu uruqaansadeen dhanka magaalada Sirta.

Axmed Almismaari oo ah afhayeenka ciidanka Khaliifa Xaftar ayaa bayaan kooban oo uu ka akhriyay telefeshinka rasmiga ah wuxuu ku xaqiijiyay in maleeshiyaadkooda laga qabsaday Tarhuuna iyo Bin Waliid wuxuuna sabab uga dhigay in iyagoo u hoggaansamaya cadaadisyada caalamiga ah ay go'aansadeen in ay ciidamadooda ka fogeeyaan deegaanada ku dhow magaalada Daraabulis.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items