Faransiiska oo ku dhawaaqay in uu dilay Amiirkii Al Qaacidda ee Maqribul Islaami.

Saturday June 06, 2020 - 08:23:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faransiiska oo ku dhawaaqay in uu dilay Amiirkii Al Qaacidda ee Maqribul Islaami.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Faransiiska ayay ku sheegtay in ay waqooyiga Maali ku dishay amiirkii Ururka Al Qaacidda ee mandiqadda Maqribul islaami iyo dhowr kamid ah kaaliyaashiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Faransiiska ayay ku sheegtay in ay waqooyiga Maali ku dishay amiirkii Ururka Al Qaacidda ee mandiqadda Maqribul islaami iyo dhowr kamid ah kaaliyaashiisa.


Florence Parly oo ah wasiiradda difaaca Xukuumadda Paris ayaa caddeymo ay ku faafisay barteeda Twitterka waxay ku xaqiijisay in weerar ay ciidamada Faransiiska iyo kuwa dowladaha Saaxilka ay Arbacadii lasoo dhaafay ka fuliyeen Maali ay ku dileen Sheekh Abuu Muscab Cabdul Waduud amiirkii Al Qaacidda ee Maqribul Islaam.

Faransiisku faah faahin dheeraad ah kama bixin qaabkii uu dilku udhacay balse wuxuu adkeeyay in ay dileen Abuu Muscab iyo qaar kamid ah kaaliyaashiisi sida ay hadalka u dhigeen.


Sanaddii 2019 wasaaradda difaaca Faransiiska ayaa lakulantay fadeexad weyn kadib markii ay ku faantay in ay dishay hoggaamiye katirsan Jamaacada Nustatul Islaam Walmuslimiin balse sheegashadaas ayaa beenoowday kadib markii hoggaamiyaas uu kasoo muuqday Video uuna beeniyay sheegashada Faransiiska.

Al Qaacidda ayaa loollan jihaadi ah oo aad u adag uga jirta wadamada saaxilka qaaradda Afrika sida Maali,Burkina Faso iyo Niger halkaas oo ay kula halgamayso ciidamada Faransiiska iyo xulufadiisa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items