Dibax baxyo ka dhan ah Ismaaciil Cumar Geelle oo Jabuuti ka dhacay.

Saturday June 06, 2020 - 09:15:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibax baxyo ka dhan ah Ismaaciil Cumar Geelle oo Jabuuti ka dhacay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Jabuuti ayaa sheegaya in dibad baxyo rabshado wata ay gilgileen magaalooyinka waaweyn ee wadankaas waxaana loogasoo horjeedaa maamulka Ismaaciil Cumar Geelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Jabuuti ayaa sheegaya in dibad baxyo rabshado wata ay gilgileen magaalooyinka waaweyn ee wadankaas waxaana loogasoo horjeedaa maamulka Ismaaciil Cumar Geelle.


Kumanaan kun oo shacab ah ayaa iskusoo baxyo ka dhigay dhowr magaalo oo ay kamid yihiin Cali Sabiix iyo caasimadda Djibouti, dibad baxyadan rabshadaha wata ayaa lagu diidanyahay maciishadda oo sare ukacday iyo xarigga lagu hayo dadka diidan siyaasadda dowladda.

Dadka iskusoo baxyada dhigayay ayaa si aad ah udiidanaa xariggii loo geystay sarkaal katirsan ciidanka Jabuuti kaasi oo baraha bulshada soo dhigay Video uu uga hadlayo tacadiyada uu shacabka ku hayo maamulka Ismaaciil Cumar Geelle.


Ciidamo boolis iyo melleteri ah ayaa dadka iskusoo baxyada dhigayay u adeegsaday rasaas iyo xarig, Muumin Axmed Sheekh oo ah wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti oo ka hadlay dibad baxyada ayaa ku tilmaamay kuwa ay soo abaabuleen kooxo qaswadayaal ah.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ah madaxweynaha Jabuuti ayaa muddo wax ka badan 20 sanadood xukunka haya wuxuuna cadaadis ku hayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items