Dibad baxyo taageero loogu muujinayay Farmaajo oo ka dhacay hareeraha Villa Somalia.

Sunday June 07, 2020 - 15:48:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyo taageero loogu muujinayay Farmaajo oo ka dhacay hareeraha Villa Somalia.

    Iskusoo baxyo ay soo agaasintay madaxtooyada Dowladda Federaalka ayaa maanta ka dhacay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ee kuyaal xayndaabka dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iskusoo baxyo ay soo agaasintay madaxtooyada Dowladda Federaalka ayaa maanta ka dhacay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ee kuyaal xayndaabka dowladda.


Boqolaal qof oo wata boorar lagu xardhay erayo lagu taageerayo Farmaajo iyo Kheyre ayaa isugusoo baxay fagaaraha Daljirka Daahsoon illaa iyo agagaarka guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Dadka iskusoo baxay waxaa lahadlay mas'uuliyiin katirsan DF-ka oo uu kamid yahay Cumar Finishi guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil ka socday Villa Somalia.


Iskusoo baxyadan ayaa ahaa kuwa lagu muujinayay in Farmaajo lagu ilaawsiiyo ceebtii shalay kasoo gaartay kalfadhigii baarlamaanka halkaas oo xildhibaanno mucaaradsan siyaasaddiisa ay buuq ka sameeyeen.

Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa loo xiray dibad baxyada aawgeed waxaana kamid ah wadada halbowlaha ah ee Makka Al Mukarrama oo lagu arkayay ciidmo gaaf wareegaya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items