Dagaal beeleedyo khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanno hoos yimaad Guriceel iyo Maxaas.

Sunday June 07, 2020 - 15:50:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal beeleedyo khasaara dhaliyay oo ka dhacay deegaanno hoos yimaad Guriceel iyo Maxaas.

    Dagaallo beeleedyo hor leh ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo beeleedyo hor leh ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya halka ay iska galaan labadan gobol ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ku dhaxmareen maleeshiyaad beeleedyo hubaysan.

Dagaallada oo bilaawday xalay fiidkii ayaa sii xoogeystay maanta barqadii kadib markii ay dhinacyadu gurmadyo kala duwan ka heleen degmooyinka Maxaas iyo Guriceel.

Iska hor'imaadyada ugu xoogan ayaa ka dhacay inta udhaxaysa deegaanada Cayr Daye iyo Miira Jabaale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo kawada tirsan maamullada Hirshabelle iyo Galmudug ay hubka isugu dhiibayaan maleeshiyaadka dagaallamaya.


Dad ku sugan dhulka howdka ah ayaa sheegay in ay maqlayaan hugunka madaafiicda ay labada dhinac isdhaafsanayaan, gobollada Hiiraan iyo Galguduud ayaa kamid ah meelaha ay ugu badan ee ay ka dhacaan dagaal beeleedyada laayaanka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items