Dadka uu Carona Virus ku dilay caalamka oo gaaray 400 kun boqol oo qof.

Monday June 08, 2020 - 10:29:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka uu Carona Virus ku dilay caalamka oo gaaray 400 kun boqol oo qof.

    Caabuqa dilaaga ah ee Carona Virus ayaa wali caalamka kasii wada halaagga daran ee uu ugeysanayo bani'aadamka si aan kala sooc laheyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caabuqa dilaaga ah ee Carona Virus ayaa wali caalamka kasii wada halaagga daran ee uu ugeysanayo bani'aadamka si aan kala sooc laheyn.


Dadka udhintay cudurkan ayaa shalay gelinkii dambe gaaray 400 oo kun halka uu soo ritay dad ka baxan Lix Milyan oo ruux, sida ay xaqiijinayaan warbixinada rasmiga ah ee ladiiwaan geliyay Cavid19 ayaa dadka ku dilay in kabadan 196 dal.

Shalay oo kaliya waxaa Carona ugu dhintay daafaha caalamka dad gaaraya 4,295 ruux isagoona asiibay dad dhan 130,417 ruux.

Afarta wadan ee ugu dhimashada badan Carona ayaa kala ah Mareykanka oo kaalinta koowaad kujira,Ingiriiska oo kaalinta labaad ku jira,Baraaziil oo kaalinta sedaxaad ah iyo Talyaaniga oo kaalinta Afaraad ah.


Inkastoo inta badan dowladaha qaaradda Yurub ay iclaamiyeen in ay khafiifiyeen xaaladihii bandowga ahaa hadane dhimashada iyo bukaanada ayaa wali sare usii kacaya, illaa iyo hadda caalamka sooma saarin talaal awood uleh in cudurka lagula tacaalo

Related Items