Taliska AFRICOM oo xaqiijiyay in Faransiisku uu dalka Maali ku dilay Sh.Abuu Muscab Cabdul Waduud.

Tuesday June 09, 2020 - 12:28:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska AFRICOM oo xaqiijiyay in Faransiisku uu dalka Maali ku dilay Sh.Abuu Muscab Cabdul Waduud.

    Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay warkii kasoo baxay Faransiiska ee ahaa in howlgal ka dhacay waqooyiga Maali lagu dilay Amiirkii Al Qaacidada Maqribul Islaami.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay warkii kasoo baxay Faransiiska ee ahaa in howlgal ka dhacay waqooyiga Maali lagu dilay Amiirkii Al Qaacidada Maqribul Islaami.


Taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay dilka Sheekh Cabdi Maalik Droukdal oo ku magac dheer Abuu Muscab Cabdul Waduud.

Mareykanku wuxuu sheegay in qiimeyn ay ku sameeyeen howlgalkii Faransiiska ee Maali ka dhacay Arbacadii lasoo dhaafay ay ku xaqiijiyeen dilka Amiirkii Al Qaacidda ee Maqribul Islaami.

AFRICOM waxay sheegtay in Sheekh Abuu Muscab uu agaasimay howlgallo lagu laayay dad reergalbeed ah kuwaas oo ka dhacay wadamada Saaxilka galbeedka Afrika iyo waqooyiga qaaradda islamarkaana uu ahaa hoggaamiye karti leh.


Sheekh Cabdi Maalik Droukdal ayaa sanaddii 2007 wuxuu hoggaanka uqabtay Al Qaacidada Maqribul Islaami waana isla sanadkii la aas aasay faraca ugu awood badan Jihaadiyiinta qaaradda Afrika.

Abuu Muscab Cabdul Waduud ayaa 13-kii sanadood ee uu hoggaanka uhayay jihaadka Mandiqadda Saaxilka iyo waqooyiga Afrika wuxuu ku guulaystay in uu hal saf ku mideeyo Ururadii islaamiga  kuwaas oo ay dilootay kala qeybsanaan.

Warbixinno laga qoray kartidii  sheekha ee ay daabacday warbaahinta Faransiiska ayay ku qireen in uu ahaa hoggaamiye awood u yeeshay in uu hal mar Faransiiska iyo Mareykanku ku dhiig bixiyo qaaradda Afrika.

Weeraro lagu laayay saraakiil American iyo Faransiiska ah ayuu Abuu Muscab Cabdul Waduud agaasimay, wuxuu ahaa halyeey hortaagnaa duullaanka Faransiisku uu ku qaaday wadanka Maali iyo wadamada kale ee dhaca galbeedka Afrika.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Mu'asasada Al Andalus oo ah garabka warbaahineed ee Al Qaacidada Maqribul islaami oo ku aaddan caddeymaha ka imaanaya Faransiiska iyo Mareykanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items