Ciidamada Kenya oo gubay gaari Bagaash u waday ganacsato Soomaaliyeed.

Tuesday June 09, 2020 - 11:49:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo gubay gaari Bagaash u waday ganacsato Soomaaliyeed.

    Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya in ciidamada Kenya ay gubeen gaari xamuul ah oo bagaash kala duwan u siday ganacsato Soomaaliyeed oo ku nool dhulka NFD.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya in ciidamada Kenya ay gubeen gaari xamuul ah oo bagaash kala duwan u siday ganacsato Soomaaliyeed oo ku nool dhulka NFD.


Ciidamada milliteriga Kenya, kuwa Booliiska iyo qeybta Canshuurta ayaa si toos ah u gubay gaarigan oo ka baxay gobollada koonfureed ee Soomaaliya, waxaana dowladda Kenya ay soo gelitaanka gaariga ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

Dhamaan hantidii saarneyd gaariga iyo laftiisbaa ayaa dab la qabadsiiyay, taasi oo nabar ku noqotay ganacsatadii Soomaaliyeed ee u rarnaa gaariga.

Muuqaallada gumeysi ee ka jira NFD ayaa aad u xoogan, waxaana Kenya ay dhulkaas ku qaadatay xoog, iyadoo ay siisay dowladda Ingiriiska oo gumeysan jirtay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items