Guddoomiyihii Aqalka Sare ee dalka Itoobiya oo iscasilaad ku dhawaaqay.

Tuesday June 09, 2020 - 12:01:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Aqalka Sare ee dalka Itoobiya oo iscasilaad ku dhawaaqay.

    Haweenay jago sare ka haysay dowladda Itoobiya kanasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ayaa si lama filaan ah shaqadii ay haysay isaga casishay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweenay jago sare ka haysay dowladda Itoobiya kanasoo jeeda qowmiyadda Tigreega ayaa si lama filaan ah shaqadii ay haysay isaga casishay.


Keriya Ibraahim oo aheyd guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya ayaa magaalada Maqaala ee xarunta ismaamulka Tigreega uga dhawaaqday in ay iska casishay xilkii ay haysay.

Iyadoo wareysi siinaysay Telefeshin Maxalli ah ayay sheegtay in xildhibaanada baaralaanka Itoobiya ay jabiyeen dastuurka dalka udegsan islamarkaana ay lasoo bexeen nin jaclaysi sida ay hadalka udhigtay.

Keriya Ibraahim waxay xubin ka tahay Xisbiga Tigreega mucaaradka ah ee lagu magacaabo TPLF, xisbigan ayaa si aad ah umucaaradsan siyaasadda uu wax ku maamulo Abiy Axmed wuxuuna ku eedaysanyahay in uu agaasimay isku dayo dhowr ah oo lagu inqilaabi rabay xukuumadda hadda talada haysa.


Iscasilaadda guddoomiyaha aqalka sare ee Itoobiya ayaa kusoo aadaysa xilli doorashooyinka guud ee madaxtinimada Itoobiya ay dhacayaan sedax bilood kadib islamarkaana wadanka ay ka jiraan colaado udhaxeeya qowmiyadaha hala duwan ee wadankaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items