Waxaa wali sii socda maxaabiis iswaydaarsiga udhaxeeya Taliban iyo Mareykanka si loo fuliyo qodobadii lagu kala saxiixday heshiiskii ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qadar bishii Maarso ee lasoo dhaafay.
Boqolaal kamid ah dagaalyahannada Taliban oo muddo sanada ah ku xirnaa xabsiyo Mareykanku gacanta ku hayo ayaa lasii daayay halka Taliban ay sii daysay ciidamo katirsan xukuumadda Afghanistan oo maxaabiis u ahaa.
War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in shalay loosii daayay 250 mujaahid arrinkaas oo tirada guud ee maxaabiista lasii daayay ka dhigaysa sedax kun oo maxbuus.
Suheyl Shaahiin oo ah Afhayeenka maktabka siyaasadda Imaarada Islaamiga ah ayaa usheegay wakaaladaha wararka in ay soo dhoweynayaan fulinta heshiiskii horay loo gaaray dhankeedana ay diyaar u yihiin fulinta wixii lagu ballamay.
Boqolaal katirsan Maxaabiista Taliban oo lagasii daayay xabsiyo kuyaal Afghanistan.