Heshiiska Abiy Axmed iyo Farmaajo wax ka ogow

Tuesday June 09, 2020 - 18:04:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiiska Abiy Axmed iyo Farmaajo wax ka ogow

    Itoobiya oo waligeed u xusul duubaysay qabsashada dekadaha iyo kheyraadka ummadda soomaaliyeed ee muslimka ah ayaa waxa ay u muuqataa in ay heshay hoggaamiyeyaal habacsan oo iyada ucaynsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya oo waligeed u xusul duubaysay qabsashada dekadaha iyo kheyraadka ummadda soomaaliyeed ee muslimka ah ayaa waxa ay u muuqataa in ay heshay hoggaamiyeyaal habacsan oo iyada ucaynsan.



Hogaamiyeyaasha soomaalida ku habsaday oo u muuqda murtaziqo ama calooshood u shaqeystayaal badankooda lagu soo tobabarey wadamada reer galbeedka ayaa markasta ku kaca dhaqanno lagu tirtirayo jiritaanka masiiriga ah ee ummadda soomaaliyeed.

Hore ayey siyaasiyiin carbeed oo sucuudiga ka soo jeedaa u sheegeen in itoobiya noqonayso waddanka geeska afrika wax laga weydiin doono,yuhuudduna ay noqon doonto dawladda bariga dhexe laga maamulidoono, sida Anwar Cishqi.



Isku soo wada duub oo waxaa aad loo hadal hayaa kelmad uu Reysal Wasaare Abiye Axmed sheegay. Hadalkan aadka loo qaadaa dhigayo ayaa dhaawac halis ah ku ah qarannimada soomaaliya oo awalba dirqi ku taagneyd.Siyaasiyiin u dhashey Soomaali Galbeed ayaa baraha bulshada ku falanqaynayey waxa abiy ka soo yeedhay iyo sida soomaalidu u mooggan yihiin dabinka loo qooley. Dadka soomaaliyeed ee ku hoos nool gumeysiga itoobiya ayaa turjumay kelmaddan maadaama oo ay Af Axmaariga wax ka yaqaanaan.

"Waxaan kulanney madaxweyne Farmaajo, Reysal wasaare Khayre, afhayeenka baarlamaanka iyo wasiirrada soomaaliya. Waxa aanu ku heshiinney in labada dal ay hal dal noqdaan oo la mideeyo (Andhi indhi honu)”. Sidaas waxa yidhi Reysal Wasaare Abiye.

Wararkan ayaa ku soo beegmaya xilli dawladda federaalka soomaaliya la daalaa dhaceyso mucaaradad kaga imanaysa kuwa ay isku hayaan kursiga oo aan waxba kaga gedisnayn Farmaajo.

W/Q: Wadaadyare Xaashi

Related Items