Madaxweynihii Burundi oo si lama filaan ah udhintay.

Wednesday June 10, 2020 - 05:56:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Burundi oo si lama filaan ah udhintay.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Burundi ayaa lagu sheegay in uu si lama filaan ah udhintay madaxweynihii wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Burundi ayaa lagu sheegay in uu si lama filaan ah udhintay madaxweynihii wadankaasi.


Pierre Nkurunziza oo muddo 15 sanadood ah maamulayay dalka Burundi ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaal magaalada Bujumbur kadib markii uu wadnuhu istaagay.

Qoraal kooban oo madaxtooyada Burundi ku faafisay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in Pierre Nkurunziza uu dhintay markii uu kusoo booday cudur aan wali lagaran.

"Dowladda Jamhuuriyadda Burundi waxay si murugo leh u shaacineysaa geerida lama filaanka ah ee ku timid Pierre Nkurunziza, madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, oo ku dhintay isbitaalka Karusi Fiftieth Anniversary, kaddib markii uu wadnbaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka", ayaa lagu yiri qoraalka.


Madaxweynaha dhintay ayaa talada wadanka lawareegay sanadii 2005 xilligaas oo Burundi ay kasoo kabsatay dagaalkii sokeeyay wuxuuna ahaa hoggaamiye Jabhad ah oo ka qeyb qaatay dagaalladii ahliga ahaa ee wadankaas halakeeyay.

Nkurunziza oo 55 sana jir ahaa ayaa sanaddii 2015 iclaamiyay in uu ku guuleystay doorashooyin murun badan dhaliyay waxaana xilligaas Burundi ka dhacay dagaallo lagu hoobtay.

Sanaddii 2007 ayay xukuumaddii Nkurunziza kumanaan katirsan ciidamadeeda usoo dirtay dalka Soomaaliya halkaas oo ay xasuuq ugu geysanayaan shacabka Soomaalida, ciidamada Burundi ayaa kamid ah soo duulayaasha shisheeyaha ee sida daran loogu dhiig bixinayo dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items