Mareykanka oo Farmaajo ku cadaadinaya in uu la heshiiyo maamul goboleedyada.

Wednesday June 10, 2020 - 06:48:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Farmaajo ku cadaadinaya in uu la heshiiyo maamul goboleedyada.

    Dowladda Mareykanka ayaa bilaawday in ay cadaadis siyaasadeed ku saarto dowladda Farmaajo wada xaajood ay lafurto maamul goboleedyada shisheeyaha la shaqeeya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa bilaawday in ay cadaadis siyaasadeed ku saarto dowladda Farmaajo wada xaajood ay lafurto maamul goboleedyada shisheeyaha la shaqeeya.


Safaaradda Mareykanka ee kutaal xerada Xalane ayaa qoraal ay soo saartay ugu baaqday Farmaajo in uu wada hadallo la furo maamul goboleedyada islamarkaana uu caddeeyo in doorashooyinku udhacayaan waqtigii loo asteeyay.

Dhinaca kale aqalka sare ayaa soo saaray baaq Dowladda iyo maamul goboleedyada ku amraya in ay yeeshaan kulan degdeg ah oo ay uga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Waxaa bilaawday cadaadisyo siyaasadeed oo ka dhan ah Farmaajo iyo Kheyre kuwaas oo ku aaddan in aan dib loo dhigi karin xilliga ay dhacayaan doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaaniga.


Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Gurguurte oo iyana Muqdisho shir jaraa'id ku qabtay ayaa ka digay in dib loo dhigo doorashooyinka, waxay markale eedayn kulul ujeediyeen Max'med Cabdullaahi Farmaajo

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items