Saldhigga ciidamada AMISOM ee degmada Balcad oo Weerar madaafiic ah lagu qaaday.

Wednesday June 10, 2020 - 08:22:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga ciidamada AMISOM ee degmada Balcad oo Weerar madaafiic ah lagu qaaday.

    Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday saldhig ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday saldhig ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.


Qaraxyo is xigxigay ayaa laga maqlay saldhigga ciidamada Burundi ee degamada Balcad, qaraxyada ayaa ka dhashay madaafiic dhowr ah oo ku hoobatay gudaha sldhigga.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda ku hoobanaysay gudaha saldhigga balse lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ciidamada Burundi kasoo gaaray weerarkii xalay lagu qaaday saldhigga ay ka sameysteen Balcad.

Wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ayaa ah meesha ugu daran ee lagu dhiig bixinayo ciidamada AMISOM ee duullaanka garadarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items