AMISOM oo qiratay waxyar oo kamid ah Xasuuq ay ka geysatay Sh/Hoose.

Wednesday June 10, 2020 - 16:55:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo qiratay waxyar oo kamid ah Xasuuq ay ka geysatay Sh/Hoose.

    Qiraal mar la arag ayaa kasoo baxay taliska guud ee ciidamada shisheeyaha AMISOM kaas oo ku aaddan xasuuq ay maalmo ka hor ka geysteen deegaan katirsan Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qiraal mar la arag ayaa kasoo baxay taliska guud ee ciidamada shisheeyaha AMISOM kaas oo ku aaddan xasuuq ay maalmo ka hor ka geysteen deegaan katirsan Sh/hoose.


War qoraal ah oo kasoo baxay hoggaanka AMISOM ayay ku qireen in ciidamadoodu ay duleedka degmada Janaale ku dileen sedax qof shacab ah,

AMISOM oo isku dayaysay in ay yarayso khasaaraha ka dhashay duqeyntii ay ka geysatay duleedka Janaale ayaa dhimashada ku sheegtay sedax ruux.

"Dhacdadii maalintii Isniinta 8-da bishan waxa ay ahayd nasiib daro, waan uga tacsiyeynaynaa ehelada dadkaas ay ka baxeen kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah ayaa u rajeynaynaa”, sidaas waxaa yiri Francisco Modera oo ah madaxa AMISOM.


Xaqiiqda sida ay wax udhaceen ayaa ah in 8,June,2020 ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay si ula kac ah uduqeeyeen deegaan dhaca duleedka degmada Janaale ee Sh/hoose waxaana halkaas ku dhintay illaa 5 ruux oo isugu jiray carruur,haween iyo rag.

Ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa dhowr jeer sidaan oo kale dad shacab ah ugu xasuuqay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya walina ma dhicin in DF-ka ay ka hadasho xasuuqa ka dhanka ah shacabka taas bedelkeeda waxay ku digataa dhibanayaasha oo ay ku sheegto Argagaxiso Al Shabaab ah!

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items