Khaliifa Xaftar oo socdaal kedis ah ku tagay wadanka Venezuela.

Wednesday June 10, 2020 - 14:09:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khaliifa Xaftar oo socdaal kedis ah ku tagay wadanka Venezuela.

    Dagaallo culus ayaa wali ka socda bariga iyo bartamaha wadanka Liibiya kuwaas oo udhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan dhinacyada awoodda wanka ku loolamaya ee dowladaha shisheeye ay gadaal uga daabanyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus ayaa wali ka socda bariga iyo bartamaha wadanka Liibiya kuwaas oo udhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan dhinacyada awoodda wanka ku loolamaya ee dowladaha shisheeye ay gadaal uga daabanyihiin.


Arrinta ku cusub siyaasadda Liibiya ee sida aadka ah loo hadal haya ayaa ah dagaal ooge Khaliifa Xaftar oo socdaal lama filaan ah ku tagay mid kamida wadamada qaaradda America.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Fanazuweella ayaa sheegtay in khaliifa Xaftar uu socdaal kadis ah ku tagay magaalada Caracas ee caasimadda u ah Venezuela.

Ilo wareedyo diblumaasiyadeed oo ay soo ganayaan warbaahinta caalamka ayaa tilmaamaya in socdaalka Xaftar uu salka ku hayo arrimo dhaqaale.


Xaftar ayaa la sheegay in uu sanaadiiq dahab ah udaabulay dalka Venezuela si uu uhelo lacago malaayiin dollar ah, maadaama cunaqabateymo caalami ah saaranyihiin Xaftar ayuu ku qasbanaaday in Keydadka dahabka ah ee uu haysto u iibgeeyo Venezuela oo ah dal aan xiriir lalaheyn IMF iyo Bankiga adduunka.

Dhiigabaxa melleteri ee ku socda maleeshiyaadka Xaftar ee Liibiya ka dagaallamaya ayaa sababay in uu hoos udhac dhaqaale soo wajaho, labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ayay ciidamada Xaftar khasaariyeen gacan ku haynta magaalooyin waaweyn oo Liibiya katirsan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items