Q.Midoobay oo DF ku amartay in doorashooyinka ay qabato waqtigii loogu talagalay.

Thursday June 11, 2020 - 10:16:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Q.Midoobay oo DF ku amartay in doorashooyinka ay qabato waqtigii loogu talagalay.

    Waxa loogu yeero beesha calamka ayaa sare uqaadday cadaadiska siyaasadeed ee ay saarayaan hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku eedaysan xil kororsi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha calamka ayaa sare uqaadday cadaadiska siyaasadeed ee ay saarayaan hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku eedaysan xil kororsi.


24-kii saac ee lasoo dhaafay ayay dowlado iyo Ururo dhammaantood ku lug leh gummeysiga lageliyay Soomaaliya waxay soo saarayeen warsaxaafadeedyo dhammaantood bogaadinaya go'aankii aqalka sare ee ahaa in DF-ka iyo maamul goboleedyada ay yeeshaan kulan lagu go'aaminayo waqtiga doorashooyinka.

waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa markale sheegtay in ay taageersantahay kalfadhigii baarlamaanka ee buuqa dhaliyay kadib markii ay xildhibaanno mucaarad ah ku oriyeen Farmaajo xili uu jeedinayay khudbad siyaasadeed.


James Swan oo ah ergayga Q.Midoobay ee Soomaaliya ayaa la sheegay in uu cadaadisyo xooggan saarayo Farmaajo iyo Kheyre oo ku aaddan in aysan waqti kororsi sameyn karin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in James Swan uu kulan albaabadu uxiranyihiin uu la yeeshay Fahad Yaasiin oo ah taliyaha sirdoonka dowladda, Q.Midoobay ayaa taliyaha sirdoonka ugudbisay warqad ka socota UN-ka oo DF-ka ku amraysa in doorashooyinka ay waqtigooda ku qabato.

Siyaasiyiin mucaarad ah oo ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh ayaa iyana qabanaya shirar saxaafadeed oo ay aad ugu dhaliilayaan dowladda Farmaajo islamarkaana ay ku dirayaan digniino ku aaddan dhib udhigista doorashooyinka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items