Gudoomiyaha Xudur oo Sheegay in Kontomeeyo Askari looga dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Bakool [Wareysi gaar ah].

Thursday June 11, 2020 - 16:17:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xudur oo Sheegay in Kontomeeyo Askari looga dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Bakool [Wareysi gaar ah].

    Maxamad Macallin Axmad oo ah gudoomiyaha magaalada Xudur ee gobolka Bakool ee maamulka Koonfur galbeed ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamad Macallin Axmad oo ah gudoomiyaha magaalada Xudur ee gobolka Bakool ee maamulka Koonfur galbeed ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan.



Wuxuu kaga hadlay dagaalkii cuslaa ee duleedka Xudur dhawaan ku dhexmaray Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo askarta maamulka Koonfur galbeed.

Maxmaad Macallin Axmad ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii duleedka Xudur uu ahaa mid aad u culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, halkaasna ay kasoo gaartay khasaare baaxad leh.

Gudoomiyaha wuxuu xaqiijiyay in dagaalkaas dhankooda looga dilay kontomeeyo askari, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo badan, dagaalkana uu ahaa mid aan waxba la isku reeban.



Wuxuu sheegay in dhaawacyada badankood la geeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, halkaasna lagu dabiibayo, isagoona sheegay iney jiraan askar u dhimatay dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalkii duleedka Xudur.

Wuxuu sidoo kale gudoomiyuhu aad uga cabtay wadooyinka soo gala Xudur oo xiran, taas oo ka dhigan iney ku jiraan go’doon, keliyana u furantahay dhanka cirka, oo mar mar ay diyaarada kasoo degaan magaalada Xudur.

Dhawaan ayay ahayd markii dagaal aad u culus uu duleedka Xudur ku dhexmaray ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed, dagaalkaas oo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay askarta maamulkaas ee la shaqeeya Xabashida duulaanka ku joogta Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Wareysiga guddoomiyaha Xudur


Related Items