Carona oo kumanaan qof ku dilay Mareykanka iyo Booliska oo nin madoow ah ku khaarijiyay Washington.

Thursday June 11, 2020 - 14:05:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carona oo kumanaan qof ku dilay Mareykanka iyo Booliska oo nin madoow ah ku khaarijiyay Washington.

    Boqolaal qof American ah ayaa markale cudurka halista ah ee Carona Virus ugu dhintay gudaha wadanka Mareykanka xilli caabuqan uu si xowlli ah ugu faafayo 50-ka gobol ee wadankaasi ka koobanyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof American ah ayaa markale cudurka halista ah ee Carona Virus ugu dhintay gudaha wadanka Mareykanka xilli caabuqan uu si xowlli ah ugu faafayo 50-ka gobol ee wadankaasi ka koobanyahay.


Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegaya in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay dad gaaraya 1027 (Kun labataan iyo todobo qof" ay Carona ugu dhinteen dalka Mareykanka.

Warbixin kasoo baxday Jaamacadda caafimaadka ee lagu magacaabo Johns Hopkins ayaa lagu sheegay in dadka uu caabuqa Covid19 ku asiibay Mareykanka  ay gaareen laba milyan oo ruux, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in tirada dadka uu Carona ku dilay Mareykanka ay kor udhaaftay 115 kun oo ruux.


Dhinaca kale dibad baxyada rabshadaha wata ee Mareykanka ka socda ayaa sii xoogeystay kadib markii ay ciidamada boolisku dileen qofkii labaad oo katirsan dadka madoowga ah.

War kasoo baxay maamulka gobolka Washington ayaa lagu sheegay in askari boolis ah uu dilay nin madoow ah islamarkaana ay wadaan baaritaanno ku aaddan qaabkii ay wax udhaceen.

Ninka ladilay ayaa daqiiqadii ugu dambeeyay ee noloshiisa ku oranayay askarigii dilka ugeysanayay "Mudane ma awoodo in aan neefsado", saraakiisha booliska ayaa sheegay in ruuxa ladilay uu neef qabatoobay taas oo ka dhigan in loo dilay sidii George Floyd.

Dilka ninkaan madoowga ah ayaa sare usii qaadaya kacdoonnada shacbiga ah ee ka dhanka ah maamulka Donald Trump, sidoo kale siyaasiyiin katirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa maamulka Trump ku eedeeyay in uu si qalafsan ula tacaamulayo dadka dhigaya rabshadaha ee dalbanaya in si cadaalad ah loo maareeyo dhibaatada ka taagan magaalada Minneapolis.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items