Labo Booyado Oo Dowladda Federaalka Looga Gubay Duleedka Afgooye.

Friday June 12, 2020 - 07:17:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Labo Booyado Oo Dowladda Federaalka Looga Gubay Duleedka Afgooye.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada Dowladda federaalka oo ku socdaalayay duleedka degmada Afgooye ee gobolkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada Dowladda federaalka oo ku socdaalayay duleedka degmada Afgooye ee gobolkaas.


Ugu yaraan labo qarax oo xoogan ayaa lagu beegsaday kolonyada, kuwaas oo basbeeliyay booyado gaaraya illaa labo booyadood oo shidaal u siday ciidamada Dowladda federaalka.

Guutooyinka Qaraxyada ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qaraxyadan ku beegsaday kolonyada ciidamada Dowladda federaalka, waxaana jira waxyeello kala duwan.

Ma helin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Dowladda federaalka marka laga soo tago labada booyadood ee qaraxyada lagu burburiyay.



Waxay kusoo aadayaan qaraxyadan iyadoo habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen difaacyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka ee deegaannada Ceel Jaalle, Danow, Awdheegle iyo Bariire.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items