Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay in ay usafraan Jabuuti.

Saturday June 13, 2020 - 06:33:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay in ay usafraan Jabuuti.

    War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa digniin loogu jeediyay muwaadiniinta American-ka ah ee ku sugan mid kamida wadamada bariga Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa digniin loogu jeediyay muwaadiniinta American-ka ah ee ku sugan mid kamida wadamada bariga Afrika.


Safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa digniin ay soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Jabuuti in aysan sameyn wax dhaq dhaqaaq ah , dadka Mareykanka ah waxaa looga digay in ay tagaan fagaarayaasha magaalooyinja wadankaas ee dibad baxyadu ka socdaan.

Xaafadaha laga mamnuucay dadka Americanka ah waxaa kamid ah PK12, Xayabalaay, Balbala Caadi, Sheekh Muuse iyo garoonka Guuleed, Mareykanku wuxuu sheegay in inta ay socdaan dibad baxyada rashadaha wata ay dhici karto in ciidamada ammaanka ay adeegsadaan awood xad dhaaf ah kadibna waxyeello kasoo gaarto dadka ajnabiga ah.


Kooxaha mucaaradka dalka Jabuuti ayaa dhigaya dibad baxyo ka dhan ah Ismaaciil Cumar Geelle, tan iyo markii laxiray sarkaal katirsan ciidanka cirka Jabuuti oo lagu magacaabo Fu'aad Yuusuf Cali ayay rabshada wadankaas ka jira sare usii kacayeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]



Related Items